Thursday, July 20, 2017

AF SOOMAALIGA IYO JIILKA SOO KORAYA

Afku wuu dhashaa, wuu koraa, wuuna dhintaa sida naflaha oo kale. Afku wuxuu dhintaa haddii aanan lagu hadlin, ka hor inta uusan dhiman wuu xanuunsadaa oo sakaraadaa.
Haddii aan tusaale u soo qaadanno af soomaaligii ay ku hadli jireen awooweyaasheen intee hadda ka nool? Kii aabayaasheenna marka loo fiiriyo kuwa aan hadda  u adeegsanno nolol maalmeedkeena farqiqa u dhexeeya ka waran? Haba ka sii darnaatee afka soomaaliga ee dhallinta maanta joogtaa ay badi ku hadlaan bal u fiirso
Haddaad jaleecdo maqaalada qaar ee lagu soo qoro mareegyada soomaalida erayada qaar waxa uu ula jeedo qoraagu ma garan kartid, iyada oo uu ula jeedo in uu ku qoray afsoomaali ayaa haddana aysan ahayn afsoomaali malaha af kalena aysan ahayn maxaa yeelay qoraagu wuxuu ula jeeday af soomaali in wax uu ku qoro. Taa miyeysan ahayn afkiiyoo jiraday kuna socda in uu dhinto.
Jiilka soo koraya waa aayaheena, ku hadalkooda afka hooyana waa aayaheenna oo samaada ama xumaada hadba sida ay ugu hadlaan ayey ku xiran tahaye.
Cilmibaarisyo badan oo la sameeyey ayaa waxa ay sheegayaan ilmaha ku hadla afaf kala gedisan in ay qeyb weyn ka ciyaari karto aqoontooda, korriinkooda maskaxeed iyo weliba fursadooda mustaqbaleedba.
Cilmibaaris ay sameysay Jaamacadda York “Ontaria” ee dalka Kanada ayaa waxaa lagu sheegay in ku hadalka ama aqoonta afaf kala gedisan ay hagaajineyso habka dhiig wareegga maskaxda, dadka ku hadla afaf badan maskaxdoodu horey uma gabowgo waxaana u fudud xusuusta iyo xifdinta ayey leedahay daraasadaas.
Waalidiinta intooda badan way rabaan in carruurtooda ay ku hadlaan af soomaali, laakiin wahsi ama/iyo fududeysi awgood ayeyna culeysa u saarin arrintaas muhiimka ah.
Bal si ay waalidiin badan oo soomaaliyeed ugu fududaato ayaan waxaan halkan ku soo gudbinayaa talooyin ay bixisay Dr. Foufou Savitzky oo ka tirsan London Language and Literacy Unit, South Bank University waxa ayna yihiin:
Mar walba kula hadal caruurtaada afkaada hooyo xitaa marka uu ilmuhu aad u yar yahay oo uusan fahmeynin ha ahaato markaad wax karineyso, ama aad wax qoreyso ama aad wax iibsaneyso iwm.
Ku bar ilmahaaga ciyaaraha iyo heesaha afkaaga hooyo.
Ugu sheeg sheekooyin afkaada hooyo kuna dhiiri geli in uu kula soo galo sheekada.
Markaad kala hadleyso meeshuu ku soo ciyaaray, xannaanada ama dugsiga uu jiray kula hadal afkaada, haddii uu kuugu jawaabo af ingiriis, ku celi waxa uu yiri adigoo ku sheegay afkaada.
Ha ka xishoon in aad ku adeegsato afkaada meelaha dadku isugu yimaado, haddii uu ruux kugu dhibsado maaha hawl adiga kuu taala ee waa mid ruuxaas u taala.
Hubi in uu ilmuhu yaqaan magacyada afafka uu adeegsado.
Hubi in uu kala saari karo.
U kaxee ilmaha riwaayadaha, meelaha lagu ciyaaro, goobaha gabayada lagu akhriyo, filimada iwm oo ay ka maqli katraan dad ku hadlaya afkaaga.
Ku dadaal in ilmahaada ay la ciyaaraan ilma kale oo ku hadla afkaaga.
Raadi haddii uu jiro dugsi ay jaaliyaddu ku dhigto afkaada hooyo, ilmuhu waxa uu ka faa’iddayaa fasaladaas uu tegeyo.
U soo raadi ilmahaaga buug ku qoran afkaaga, haddii aad weyso isku day in aad adiga mid u diyaariso adigoo kaashanaya dad kale.
Ku dadaal sidii ilmahaagu ugu faani lahaa afkaaga.
Haddii ilmuhu si aan sax ahayn ugu dhawaaqo ha ku qoslin.
Carruurta soomaaliyeed ee qurbaha ku nool waxa ay haystaan fursad weyn oo ah in ay noqon karaan kuwa isku si ugu hadla laba luqadood “bilingual” maxaa yeelay, waxa ay ka soo jeedaan Soomaali waxa ayna ku nool yihiin meel uusan af soomaaligu ahayn afka rasmiga ah ee la adeegsado.
Haddii aan u imaado faa’iidada ilmaha afkooga ku hadla ay ka heli karaan waxaa ka mid ah:
1.      Isfahamka iyaga iyo waalidka ayaa kor u kacaya.
2.      Waxay u fududeyneysaa in ay ehelkooda ballaaran la xiriiraan,    
         haddii aysan af kooda aqoon carruurtu xiriirkaas wuu go’ayaa.
3.      Waxay u fududeysaa bulsho dhexgalkooda.
4.      Carruurtu waxay dareemayaan jiritaankooda, summadooda iyo in ay  
         yihiin dad af iyo dhaqan  leh, bulshada ay la nool yihiina ay ku
         tixgeliso
5.      Waxay siin kartaa fursad shaqo haddii looga baahdo.

Ugu dambeyntii haddii ilmaha labadooda waalid mid ka mid ah uusan ahayn soomaali waa wax la garan karo, laakiin ilmo labadii waalid ay wada yihiin soomaali haddana aan af soomaali ku hadli karin, taa wax lagu fasiri karo ama mar-marsiiyo loogu raadin karo ma jiraan.
Waxaan ku soo gunaanadayaa in ay waalidiintu ku dadaalaan sidii ay carruurta u baran lahaayeen ama ugu hadli lahaayeen af soomaaliga.



Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon 

Sunday, July 16, 2017

60 GUURADA BBC SOOMAALI

Idaacadda BBC qeybteeda soomaaliga ayaa u dabbaaldegeysa 60 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay. Waxay ahayd 18kii Julaay 1957 markii ugu horeysay ee laga sii daayo idaacadda BBC-da war af soomaali ku baxa, wuxuuna ahaa ninkii ugu horreeyey ee ka hadla Xaaji Cabdi Ducaale (AUN). “Halkani waa BBC oo idin kala hadleysa laba mawjadood oo gaaban 11ka iyo 13ka” ayuu ahaa hadalkii ugu horreeyey ee Xaaji Cabdi Ducaale.
Soomaalida ayaa tan iyo markaa aad ugu xirneyd oo ay BBC-du ahayd midda ay ugu dhageysi badan yihiin. Waxay ku soo gaari jirtay mawjadaha dhexe ‘SW’ oo aysan fududeyn in meelaha qaar si wanaagsan loo maqlo, inkastoo sannadihii ugu dambeeyey laga dhageysan karo mawjadaha ‘FM’ iyo internetkaba.
Dhowr sabab ayaa keenay in lixdankaa sano soomaalidu aad ugu xirnaato, waxaana sida iyadoo marar badan loo arkayey mid dhexdhexaad ka ah idaacadihii degaanada soomaalida ka jiray oo dadka qaar ku tuhunsanaayeen ama in ay maamul halkaa ka jira u shaqeyaan oo wararka qaar aysan sii deyn qaar kalena si kale u dhigaan, amaba xilliyada qaar ay idaacaduhu noqdeen kuwa ilaa iyo xad ka madaxbannaan maamul, hase yeeshee lagu weeciyo dano kale oo gudaha ah, sida qabiil, koox gooni ah, ganacsi iwm oo markaa wararka ka imanaya idaacadahaa maxalliga ah aan lagu kalsooneyn.
Dadka qaar ayaa iyagu qaba in BBC-du aysan dhexdhexaad ahayn balse maadaama laga leeyahay dal ka mid ah ugu saameynta badan adduunka hanti badanna lagu bixiyo xogaha laga helayo ay noqon karaan kuwa wax laga qaadan karo ama tayadoodu sareyso.
Enzo Biaggi oo ahaa weriye rug caddaa ah oo u dhashay talyaani ayaa mar la weydiiyey in ay jiri karto warbaahin dhexdhexaad ah, wuxuu ku jawaabay “Maya” isagoo ku fasiray “...warku wuxuu ku xiran yahay aragtida ruuxa soo saarayo”. Waxaa taa sii dheer oo ay tahay in la ogaado in warbaahinta dunida ka jirta oo dhan ay cidi uun leedahay kana shaqeyso danaha ciddaa leh, BBC-duna aysan taa asan ka baxsaneyn. Boqortooyada Ingiriiska oo ahayd dalkii ugu mustacmaradda badnaa oo doonayey in mustacmaradihiisu helaan warka uu isagu doonayo ayaa lixdan sano ka hor ku daray afka soomaaliga afafka kale ee faraha badan ee laga sii daayo Bush House oo hadda idaacaddu u guurtay daarta kale ee lagu magacaabo Broadcasting House. Muddadaa dheer afaf badan ayaa laga saaray BBCda soomaaliga oo dadka ku hadlaa lagu qiyaaso tira ku dhow 20 milyanse weli wuu ku jiraa, dhowr meel oo leyka weydiinayo sababtuna waan u soo taagnaa.
Waxaan ku noolnahay duni wararka la baahiyaa ay noqdeen awoodda ugu weyn ee hadda jirta oo wax lagu dumin karo, wax lagu beddeli karo, waxna lagu dhisi karo. Hadba waa sidaad uga faa’ideysataa.  
Ugu dambeyntii weriyaashii ka soo shaqeeyey idaacadda BBC muddadaa dheer oo aad u badnaa haddaan in yar ka xuso waxaa ka mid ahaa Xaaji Cabdi Ducaale, Mustafa Xaaji Nuur, Suleymaan Daahir Afqarshe, Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, Cismaan Sugulle, , Axmed Ismaaci Samatar, Cabdirisaaq Maxamuud Siraad, Yoonis Cali Nuur iyo qaar kaloo badan. Halkan hoose ka dheeho sawirrada qaar ka mid ah shaqaalaha BBC.  








Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon



Wednesday, July 12, 2017

KU DHAQANKA SHARCIGA

Nin xeer ilaaliye ah ayaa markuu ka shaqeynayey maxkamadda Milaano ee dalka talyaaniga muddo 37 sano ah wuxuu dalbaday in uu galo hawlgab. Markii la weydiiyey sababta uu u dhameysan waayey 5ta sano ee uga hartay hawlgabnimada ayaa wuxuu ku jawaabay tusaalahan cajiibka ah:
Ninbaa wuxuu furay dhuunta biyaha u keenta gurigiisa, markii ay biyo ka iman waayeenna wuxuu u yeeray nin dhuumaha biyaha sameeya. Farsamayaqaankii ayaa kala furfuray oo ka beddelay qeybihii uu islahaa way cilladeysan yihiin biyihiise weli way iman la’ yihiin. Kadib wuxuu dib u raacay halka dhuunta biyuhu aqalka ka soo gasho, markuu halkaa ka soo hagaajiyey ayuu dib ugu soo noqday aqalkii, markuu tijaabiyeyna biyihii way yimaadeen.

Garyaqaanka oo lagu magacaabo Gerardo Kolombo (Gherardo Colombo) ayaa arrintaa ku macneeyey in ay la mid tahay dadka tirada badan ee dambiyada gala oo ay garyaqaanadu baaraan, dacwado ku soo oogaan, garsooruhuna xukun ku rido. Dr. Colombo wuxuu yiri “Tirada dadka dambiyada gala marba marka ka dambeysa aad bay u sii korodhaa xabsiyadana way buuxaan, waxaan u arkay in xalku ku jiro” ayuu yiri “in dadka la soo dhiso laguna abaabiyo in ay sharciga dhawraan, halka ugu habboon ee laga bilaabi karaana waa inta ay da’ yar yihiin”
Xeer ilaaliyuhu wuxuu ku wareegaa oo muxaadarooyin ku qabtaa dugsiyada hoose, dhexe iyo sare iyo weliba jaamacadaha isagoo kala hadlaya dhallinyarada dhawridda sharciga iyo dhaqanka wanaagsan. Wuxuu sharraxaa dastuurka dalka oo uu qodob qodob u dul joogsadaa.
Dhawridda sharciga maaha wax la isla wada fahmi karo mararka qaar oo adigoo fulinaya sharci ay dawladda soo saartay ayaa laguugu eedeyn karaa in aad dambi gashay. Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa dagaalladii waaweynaa ee dunida soo maray ee loogu yeero Dagaalkii koowaad iyo labaad ee dunida ayaa dad aan tira yareyn lagu eedeeyey laguna xukumay in ay geysteen falal dambiyeedyo oo weliba qaarkood la marsiiyey ciqaab dil ah. Dadkaas oo saraakiil iyo ciidan u badnaa waxay fuliyeen sharci ka soo baxay dawladihii Naasi-Faashigii berigaa jiray oo sharciyeeyey in dadka qaar la laayo. Kuwii sharcigaa fuliyey waxay raaceen sharciyo ay dawladahoodii soo saareen.
Haddaba goormaa ayaa sharciga la raaci karaa ama laga hor iman karaa? Sharciyada waxaa soo saara baarlamaanada iyo hay’ado la midka ah waxaana laga yaabaa in lagu ansixiyo tiro inyar ka sarreysa intii loo baahnaa, waxaase muhiim ah in uusan ka hor imaneynin distuurka dalkaas u dhigan.
Gabagebadii, waa in uu jiraa barnaamij ka mid ah manaahijta waxbarasho oo da’yarta ku soo barbaarinaya dhaqanka suubban. Meela badan ayuu ka jiraa oo waxaa lagu magacaabaa “Civic Education”. Waxaa iyana muhiim ah in shuruucda dalka iyo distuurka u dhiganba la bartaa laguna dhaqmaa.
Qalinkii: Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon