Waayadan dambe waxaa aad u
soo kordhaya erayo adeegsigooda dood la gelin karo, waxaan inta badan maqalnaa
hebel waa mucaarad, hebelna waa muxaafid, waxaase is weydiin leh maxay kala
yihiin?
Erayga mucaarad ha ii
dambeeyee waa maxay muxaafid? Eraygu asal ahaan waa carabi mana aha in ruuxu
raacsan yahay dawlad, fikrad, ama barnaamij, balse wuxuu u dhigmaa erayga
ingriisiga lagu yiraahdo conservative. Eraygan qaabka loo adeegsado wuxuu sax
ku noqonayaa in la yiraahdo mu’ayid oo iyaduna ah asal ahaan carabi sidii kii
hore oo kale. Haddaanse u soo noqdo eraygii mucaarad oo ah ka soo horjeedid ayaan
si qaldan u adeegsannaa waayadan dambe. Ruux mucaarad ma noqdee xisbi ama urur
siyaasadeed ayaa mucaarad noqda. Bal dadka dibedaha joogow dalalka aad joogtaan
gaar ahaan kuwa reer galbeedka ah weydiiya dadka caadiga ahee aad la kulantaan
in ay mucaarad yihiin iyo in kale; way kula yaabayaan ugu yaraan haddii aanba
laguugu qoslin, waxaase laga yaabaa in ruuxaas kugu yiraahdo xisbiga talada
haya ayaan taageeraa ama xisbiga mucaaradka ah baan taageeraa, laakiin mucaarad
kaligii socda waa waqti lumis waxna ma baddali karo.
Cidda markaas talada dal
haysa in la dhaliilo hadduu waxqabadkoodu xumaado waa lagama maarmaan oo haddii
aan la dhaliilin khatar ayaa ka iman karta, waxaadse arkaysaa in ruux ku
yiraahdo anigu mucaarad wax dhisayaan ahay, labadaa eray isma qabanayaan
mucaaradnimo iyo wax dhisid, nidaamyada dimoqoraadiga ah ee xisbiyada badan,
kuwa mucaaradka ah waxay ku dadaalaan maaha in ay dawladda saxaan ee waa in ay
baddalaan iyaga, marka haddii aad mucaarad noqoneyso la imow nidaam baddala kan
markaa jira ee adigoo kaligaa ah mucaaradnimadaadu waxay kugu noqoneysaa uun
waqti lumis.
Cabdiraxmaan M Abtidoon