Saturday, September 15, 2018

SAFARKAYGII HARGEYSA




Xilli ku aaddanayd abbaarihii xagaagii 1978, ayaa nin aan saaxiibbo ahayn oo aan dugsi wada dhigan jirnay fasax ku tagay Hargeysa, markuu soo noqday ayuu aniga iyo saaxiibbadii kalaba maalin walba inooga sheekeeyaa magaaladaas naga fogeyd masaafo ahaan se qalbigeenna aad u gashay. Shacabka, Gacan Libaax, Naasa Hablood iyo magacyo markaa ina xiisagelinayey ayuu marba mid sheekada soo geliyaa, anna ilaa iyo sannadkaa waxaan ku fekerayey maalin uun in aan tago Hargeysa Hadhwanaag.
Farriin aan helay ayaa ahayd in sannadkan 2018 Shirweynaha Caalamiga ah ee Cilmi Baarista Soomaaliyeed “Somali Studies International Association Conference,  SSIA2018” oo saddexdii sanaba mar la qabto, lagu qabandoono Hargeysa, cid walibana ay u furan tahay in ay soo diyaariso Qorma aqooneed “Paper”. Markiiba waxaan boorka ka jafay mid aan hoary u diyaariyey oo ku saabsanayd Sheeka werinta soomaaliyeed “Storytelling in Somali context”, muddo kooban kadibna Dr. Jaamac Muuse oo ahaa qabanqaabiyaha shirweynaha ayaan ka helay farriin oranaysa “Xaashidaadii waa la aqbalay”. Waa wax Ilaahay isla doonanayee SSIA waxaa la aasaasay isla sannadkaa Hargeysa qalbigeygu gashay ee 1978.
Maalintaan Hargeysa ka degey shucuurtaydu wax la qiyaasi karo ma ahayn, 40 gu’ ayey xusuustaydu dib ugu noqotay iyo maalmihii saaxiibkay inooga sheekayn jiray. Garoonka Cigaal ayaa waxaa igu sugayey Ciise Muuse oo ah nin dhallinyara ah oo furfurnaan iyo dabeecad wanaagsanba leh kana mid ah dhallinta ka hawl gasha Xarunta Dhaqanka Hargeysa, wuxuu ii kaxeeyey hudheelkii aan degi lahaa kadibna I geeyey Xarunta Dhaqanka, oo aan kula kulmay maamulaha Dr. Jaamac Muuse, oo soo dhaweyn diirran kadibna ii sheegay in berrito uu jiro kulan hordhac ah oo ay ka soo qeybgalayaasha SSIA isku baranayaan kuna ogaanayaan wixii farriima ah. Maalintaa xigtay waxaan halkaa ku wada kulannay saaxiibbo hore oo aan muddo is moogeyn, kuwa kalana aan halkaa isku barannay.
“Paper”radii la soo bandhigayey waxay isugu jireen dhaqan, suugaan, aqoonta afafka, sooyaal, arrimaha deegaanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinacya kale oo kala duwan. Kuwa siyaasaddu waxay mararka qaar dhalinayeen doodo kulkulul oo si aqooni ku jrto laysugu fal celinayey, iyagoo u badnaa nadaamka federaaliga ee Soomaaliya, gooni isu taagga Somaliland, xaaladaha Geeska Afrika iyo caalamku siduu u arko. Aqoonyahannada soo bandhigayey qormooyinkooga oo isugu jiray soomaali iyo kuwa aan soomaali ahaynba, ayaa qaybta suugaanta waxaan soo qaadan karaa laba ka mid ah kuwan dambeen ahayn soomaalida. Dr. Martin Orwen wuxuu ka hadlayey gabayga caanka ah ee “Alleyl Dumay” ee uu tiriyey gabyaagii Raage Ugaas. Dr. Orwen oo gabaygaa u beddelay af ingiriisi, ayaa wuxuu ka warramayaa hodantinimada afka soomaaliga, isagoo tusaale u soo qaatay meerisyada kala ah “…iihdayda bixi baa libaax iman la moodaaye” oo ingiriisi ku noqonaysa “So was my wailing hear that they thought it a lion approaching”. Dr. Orwen wuxuu leeyahay af soomaaligu wuxuu leeyahay codad si cad wax u qeexi kara balse aysan sahlanayn in af kale loo beddelo. Iyo meeriska kale ee oranaya “…halkaan aa ka leeyahay Ilaah keliya uun baa oge” oo ingiriisi ku noqonayaa “…only God knows the source of my lamentations”. Labadaa meeris oo ay ku jiraan “iih” iyo aa” waa codad macna sameynaya se ingiriisku ay noqotay in erayo buuxa loo raadiyo si ay macna u sameeyaan. Waxaa kaloo jiray gabar u dhalatay Shiinaha oo arday phd ka ah jaamacadda SOAS oo soo bandhigtay suugaanta dumarka soomaaliyeed, isna barbardhigtay midda dalkeeda hooyo, waxay soo qaadaneysaa heesaha carruurta lagu seexiyo oo ay leedahay hooyada soomaaliyeed waxay ku ciilbaxdaa oo gocashadeeda ku soo gudbisaa suugaantaas, iyadoo ilmaha ammaan badan kadib u sheegta, Ilaah uga abaal naqda in uu siiyey midkii ama middii ay ku ciil bixi lahayd ee u gargaari lahaa, halka hooyada Shiinuhu ammaanta uun ku ekaato.
Sannadkan waxaa ku wada kulamay Hargeysa labada munaasabadood ee Bandhig buugeedka Caalamiga (HIBF) oo ka socday Xarunta Dhaqanka iyo Cilmibaarista Soomaaliyeed (SSIA) oo Jaamacadda Hargeysa ay martigelisay. Qabanqaabiyaasha labadaa barnaamij ee culeykooda leh ee uu ugu horreeyo Dr. Jaamac Muuse Jaamac ayaan oran karaa waxay uga soo dhalaaleen si aqoon, xirfad iyo hal abuurnimaba ay jirto.
Xarunta Dhanqanka ee Hargeysa waa meel ay aad ugu xiran yihiin dhallinyaro fara badan. Waa goob waxbarasho, marti gelisa bandhigyo dhowr ah, lagu kaydiyo hiddaha, dhaqanka iyo farshaxanka soomaaliyeed, waxaad kula kulmi kartaa galab walba abwaanno caan ka ah degaannada soomaaliyeed oo dhan oo ay ka mid yihiin Muuse Cali Faruur, Cabdi Qays, Dacar, M. M. Dheeg, Weji, oo aad ku arkayso iyagoo dhismaha lagu kaydiyo Farshaxanka iyo sooyaalka hortiisa ku shaahaya dhallinyaraduna ay ugu yimaadaan waxna ku weydiiyaan. Waxaase intaa igala mihiimsan sida xaruntu u tahay meel dhallintu ku ballanto iskuna wareystaan. Xaruntan waxaan oran karaa waa midda ugu weyn Geeska Afrika oo ay soomaalidu degto.
Intii aan joogay Hargeysa waxaan la kulamay dad fara badan haddii ay ahaan lahayd kulamadii Bandhig Buugeedka Caalamiga ee Hargeysa, Shirweynaha Cilmi barista Soomaaliyeed iyo kulamo kale oo la igu martiqaaday iyo weliba dad aan gooni gooni ula sheekeystayba. Waxaa hadalkayga inta badan aanan ka maqnayn in aan ku dhashay yaraantaydiina aan ku soo barbaaray Baladweyne, mar walba oo aan magaca magaaladaas soo qaadana dadku waxay la xiriirinayeen heestii  Hadraawi, dadka qaarna su’aalo ay ka mid ahaayeen in aan garanayo gabadhaas Beerlula la yiraa, ee timaheedu boqonta joogaan, badh ku seexaneyso barkaneysana qaar iyo weliba buundada ciyaartee Baladweyne ku taallayba sida ay u ekayd.

Waxaan galbeedka uga baxay Hargeysa, safar gaaban oo aan ku sii maray Abaarso, Arabsiya, Gebiley, Kalabeydh, Dila, Tulli, iyo Goraya Cawl kadib waxaan gaaray Boorama oo Cabdullaahi Jaamac iyo Edna Macallin oo sannad walba halkaa ku qaatay fasaxooda ayaa igu martiqaaday una sabab ahaa in ay tago. Jaamacadda Camuud oo aan booqday ka sokow, markaan arkay magaalada waxaan u marag furay abwaan Hadraawi iyo maansadiisii uu ku yiri “…indhihii basaasow Boorama ma aragteen?”, nasiib wanaag waxaan ku beegmay iyadoo sannad barwaaqa ah dhulkuna cagaaran yahay. Magaalada marka la gelayo waxaad arkaysaa laba buur oo caan ah, ‘Saw’ iyo ‘Sharlaganaadi’ oo aan hees ku maqli jiray.
Waxaan kaloon soo arkay in saameynta magacyada talyaanigu ay ku yeesheen Muqdisho uusan ingiriisigu ugu yeelan Hargeysa. Xamar waxaad ku arkeysay maqaayad lagu magacaabo “Cappucetto Nero”, Shinemooyinka “Centrale” , “Missione” iyo “Equatore”, hotel “Croce Sud” oo ah xiddigga Wadaama Goys ahna halka iminka laga dhisay Muqdisho Mall, cisbitaallada De Martino, Forlanini, kafeega ugu caansanaa magaalada ee “Caffe Nazionale”, “Savoia Centre” iyo qaar kaloo badan. Sidoo kale degaanno koofurta Soomaaliya ayaa wata magacyo talyaani ah sida “Cento quindici” (jento kuwindiji) oo macnuhu yahay 115, kuna taalla Baladweyne, tuulada “Trecento” (tarejento) oo ah 300, una jirta intaas oo kiilomitir Xamar, degaanka kale ee loo yaqaan Halgan oo loo aqoon jiray “Quaranta uno” (kuwaaranta uuno) oo ah 41, waana masaafada u dhaxeysa degaankaas iyo degmada Buulaburte (Buulabarde). Sidoo kale degaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose, Jubbada dhexe iyo Jubbada Hoose ayaa sita ilaa iyo maanta magacyo talyaani ah.
Hargeysa waxay la wadaagtaa magaalooyinka soomaaliyeed ee Geeska Afrika saameynta ay quba joogtu ku yeelatay, waxaadna arkaysaa sida ay u maal gashanayaan gaar ahaan dhanka ganacsiga.
Joogistaydii Hargeysa waxaan bal isku dayey in aan booqdo goobtii ugu horreysay ee laga taago calan soomaaliyeed oo xor ah, waa halkii “…kaana siib kanna saar”, waxaa hadda ka dhisan masjid weyn oo lagu magacaabo Sheekh Ibraahim Dheere.
Ugu dambeyntii xaafadda Shacabka, Gacan libaax iyo Naasa hablood soo arkay, markaan ka soo dhoofayeyna waxaan iri “Hargeysaay kulanti dambe oo xiisa leh”.

Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon


Thursday, August 9, 2018

Ruux kaligii ah mucaarad dawladeed ma noqon karaa?



Waayadan dambe waxaa aad u soo kordhaya erayo adeegsigooda dood la gelin karo, waxaan inta badan maqalnaa hebel waa mucaarad, hebelna waa muxaafid, waxaase is weydiin leh maxay kala yihiin?
Erayga mucaarad ha ii dambeeyee waa maxay muxaafid? Eraygu asal ahaan waa carabi mana aha in ruuxu raacsan yahay dawlad, fikrad, ama barnaamij, balse wuxuu u dhigmaa erayga ingriisiga lagu yiraahdo conservative. Eraygan qaabka loo adeegsado wuxuu sax ku noqonayaa in la yiraahdo mu’ayid oo iyaduna ah asal ahaan carabi sidii kii hore oo kale. Haddaanse u soo noqdo eraygii mucaarad oo ah ka soo horjeedid ayaan si qaldan u adeegsannaa waayadan dambe. Ruux mucaarad ma noqdee xisbi ama urur siyaasadeed ayaa mucaarad noqda. Bal dadka dibedaha joogow dalalka aad joogtaan gaar ahaan kuwa reer galbeedka ah weydiiya dadka caadiga ahee aad la kulantaan in ay mucaarad yihiin iyo in kale; way kula yaabayaan ugu yaraan haddii aanba laguugu qoslin, waxaase laga yaabaa in ruuxaas kugu yiraahdo xisbiga talada haya ayaan taageeraa ama xisbiga mucaaradka ah baan taageeraa, laakiin mucaarad kaligii socda waa waqti lumis waxna ma baddali karo.
Cidda markaas talada dal haysa in la dhaliilo hadduu waxqabadkoodu xumaado waa lagama maarmaan oo haddii aan la dhaliilin khatar ayaa ka iman karta, waxaadse arkaysaa in ruux ku yiraahdo anigu mucaarad wax dhisayaan ahay, labadaa eray isma qabanayaan mucaaradnimo iyo wax dhisid, nidaamyada dimoqoraadiga ah ee xisbiyada badan, kuwa mucaaradka ah waxay ku dadaalaan maaha in ay dawladda saxaan ee waa in ay baddalaan iyaga, marka haddii aad mucaarad noqoneyso la imow nidaam baddala kan markaa jira ee adigoo kaligaa ah mucaaradnimadaadu waxay kugu noqoneysaa uun waqti lumis. 


Cabdiraxmaan M Abtidoon

Thursday, April 26, 2018

XERA GEEL




Bishii febraayo ee sannadkan 2018 ayaa koox aan ka mid ahaa waxaa lagu martiqaaday in ay ka qaybgalaan bandhig dhaqameed sannad walba lagu qabto magaalada Den Haag ee Netherlands. Bandhiggaas ayaa waxaa loogu yeeraa Freedom Book Fair, balse maaha oo keliya buugeeg waxa halkaa lagu soo bandhigo ee waxaa ku jira filim, warbixinno, dood cilmiyeedyo, sawirro, fan iyo suugaan iyo qaar kale. Waxay ii ahayd sannadkii labaad ee aan ka qayb galo, wuxuuna ka ballaarnaa kii ka horreeyey ee 2017. Markan dambe ayaa soomaali ahaan waxaa igu wehlinayey Boodhari Warsame oo qoraa iyo cilmibaare ah kana yimid Sweden, Maxamed Cartan oo ah aasaasaha iyo maamulaha hay’adda daabacda iibgeysana buugta ee Loohpress kana yimid UK, Farax Goobdoon oo ah gabyaa ku curisa suugaanteena inta badan afka ingriisiga oo iyadana ka timid ingiriiska. Waxaa kaloo ina wehlinayey koox deggen dalkaas Holland, Faaduma Carraale oo soo qabanqaabisa bandhiggaas ayaa waxay ugu yeertay kooxdeenaas Somali Troupes.
Den Haag waa magaalo qurux badan, waxay saldhig u tahay shirkado iyo hay’ado caalami ah, waxay martigelisaa maxkamadda caalamiga ah ee loo yaqaan ICJ. Waa magaalo dhaqdhaqaaq badan aad ku arkayso oo dadku is dhex yaacayo una kala ordayaan danahooda. Intaad joogto waxaa laga yaabaa in aadan shil baabuur oo kugu dhaca aadan ka baqin balse saacad walba waxaad ka baqaysaa in baaskiil kugu dhaco, waase magaalo loo habeeye meela gooni ah oo ay maraan baaskiillada sida dalka intiisa kale, dadka ku cusubse way isku qaldi karaan halka ay marayaa. Sida la ii sheegay dadka magaaladaas iyo guud ahaan dalka Holland oo idil dadka iyo baaskiillada waxaa badan baaskiillada. Waxaa laga yaabaa guri ay ku nool yihiin afar ruux in laga helo lix baaskiil.
Marka uusan bandhiggu socon ayaan kooxdeenu soo marnaa magaalada, waxaan la yaabnay tirada baaskiillada yaalla halka la dhigto (parking), meel walbood marto waxaa tuban tiro baaskiillo ah, meelaha qaarna sida goobaha tareenka laga raaco waxaad ku arkeysaa boqolaal iyo boqolaal weliba loo sameeyey dabaqyo la dhigto.
Waxaa la inoo sheegay in aad loo xado baaskiillada oo aad ku heleyso lacag aad u jaban haddii kaagii la xaday. Tirada, meelaha la dhigto qaarkood aad mooddo xero yar iyo sida loo kala qaado (ama loo kala xado) ayaa saaxiibkay Boodhari wuxuu magaalada siiyey magaca Xero geel, isagoo ula meel dhigay sida ay soomaalidu u manaafacaadsato geela, xeradiisa iyo sida loo kala qaado ama loo dhaco.
Dan Haag oo loo yaqaan magaca kale ee ah The Hague waa magaalada saddexaad ee ugu weyn dalkaas Netherlands waxay ka mid ahayd meelihii la keeni jiray dad afrikaan ah oo la daawan jiray xilliyo hore. Cilmibaare Boodhari Warsame oo ku raad joogay dadkaas kuwoodii soomaalida ahaa ee la keeni jiray carwadaas ayaa wuxuu soo helay in laba nin oo dhallinyaro Soomaali ahaa ay ku geeriyoodeen xeebta Den Haag qiyaastii 1929kii halkaana lagu aasay. Kaydka dhexe ee magaalada ayuu ka soo helay magacyadoodii iyo xaashidii cadeynta u ahayn dhimashadoodii.  


Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon - a.abtidon@gmail.com - @AMAbtidoon