Monday, June 29, 2020

Lixdan sano kadib iyo baadigoob cusub Soomaaliweyn


Lixdan sano ayaa laga joogaa madaxbannaanidii iyo midowgii labadii gobol ee dhulweynihii Soomaaliyeed. Lixdan sano oo xammaasad iyo kalgacayl, dhib iyo dheef, dhisid iyo dummin, cuqdad iyo isu beer nuglaan ah ayey soo martay. Dib ugu noqon maayo wixii dhacay lixdankaas sano ee maanta xuskeedii la joogo, waxaanse jeclahay in aan kor xaadin yar ku sameeyo maalmihii xorriyadda la gaaray iyo wixii shacabka walaalaha ahi raadinayeen iyo aayaha Soomaaliweyn siduu noqon karo.
Waxay ahayd markii kalgacaylka ummadda dhex yiillay uu gaaray heerkii ugu sarreysay, saancaddaaluhii markuu tago ladnaan iyo liibaan, bashbash iyo barwaaqo, hiigsi iyo horumar ayey ku taamayeen bulshadii markaa joogtay. Kuma aysan qanacsanayn israac laba qeyb oo markii horaba la kala jaray oo keliya, wuxuuse yoolku ahaa in la wada baadigoobo saddexdii kale oo laga dhabeeyo xiddigtaa shanta gees leh ee calanka ku dhextaal, xiddigtaasoo matasha shanti qeybood ee saancaddaalihii ku soo duulay geyigu u kala qeybiyey, “Saddexdii maqnaana way soo socdaan” ayaa laabta lagu hayey.
Lixdankaa sano oo aan badnayn haddana aanan yarayn guulihii la gaaray waxaa ka mid ahaa, midayntii dadkii walaalaha ahaa ee la kala qaybiyey tababarro kala duwan kala qaatay, afka loo adeegsanayey maamulku kala duwanaa, sharciyadii lagu kala maamulayeyna ay kala duwanaayeen, masaafado dhaadheerna isu jiray ayaa la isku soo dhaweeyey, af qura oo ah koogiina sameystay, is dhexgal bulsho aan horay loo arag uu abuurmay. Soddonkii sano ee ka horreyey qaran burburkii, dawladihii soo maamulay Soomaaliya waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fariisteen sidii la isugu raadin lahaa Soomaalidaa isu ooman balse mar walba shaki iyo tashwiish la kala dhex dhigayey welina lagu hayo kala fogeyn iyo cuqdad aan dhammaad lahayn.     
Anigu waxaan ka mid ahay tiro dad ah oo weli aamminsan in yididiilladii Soomaaliweyn weli nooshahay dibna loo yagleeli karo, waa ii muuqataa in Soomaali oo idil maalin uun isu soo hiloobi doonto geed qudha wada hadhsan doonto, calan qudhana wada huwan doonto. Muhiim maaha jiilka riyadaa ka dhabayn doona kuwa ay yihiin iyo waqtiga ay qaadanaysaba. Saaxiibba badan oo aan sheeka wadaag nahay baa markaan soo sheeka qaado Soomaaliweyn igu yidhaahda suurta gal maaha oo ma muuqato, anna waxaan soo qaataa hadal laga soo xigtay Sen. Robert Kennedy oo ahaa “Dadka qaar waxay arkaan wax dhacay waxayna is weydiiyaan siday ku dhacday, aniguna waxaan ku riyoodaa wax aan weli dhicin markaasaan is idhaahdaa maxaa diiday in ay dhacdo?”
Soomaalida waxaa isku xira dhiig, dhaqan, dhul, diin iyo af, waxaa isku haya xabag adag. Way isku naxariistaan oo isku gurmadaan oo ay is haybsadaan wadaagaanna magac aan tirmayn. Waxaan arkaa nuur meel fog ka baxaya oo in la gaaro uu waqtigu innaga xigo uun.
“Waa kii aynu rabnee kifaaxiisa galnee Soomaalaay kulligaa KULMIYAA la sudhee ka daba dhaha”

Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon
a.abtidon@gmail.com