Wednesday, December 30, 2020

Sannadka tegey iyo midka soo socda

 

Sannadka aan ka hadlayaa waa mid waxyaaba badan oo is diidaya wada huwan, waa sannad aan horay loo sii sahmin sidii la moodayeyna aan noqon, waa tira buuxda oo weliba isku soo noqota siduu u qoran yahay 2020 sidaa darteed ayey dad badani ku sii tala galeen munaasabado dhowr ah. Qaar baa aroosyadooda ku aaddiyey si uu ugu noqdo mid ku suntan tiro aan dhawaanahan la arki doonin. Qaar kalaa safarro dalxiis sii carbuuntay weliba lacago fara badan sii bixiyey si halka ay tegeyaan aysan uga buuxsamin, sannadguurayaal dhowr ah baa la sii qabanqaabinayey oo loo diyaargaroobayey. Sannad aan sahlaneyn ayuuse noqday oo cudur safmar ah oo aan horay loo arag mid la mid ah ayaa soo kordhay, magac markii la maqlo in badan la xusuusan doono ayaa halkaa ka soo baxay taariikhdana galay, Korona Fayras iyo COVID19 ayey dheguhu naceen, dunidii way kala xirantay barnaamijyo aan tira yarayna waa laga booday, farriimo argagax badan xambaarsan ayaa mar walba dadka dhegahooda ku soo dhacayey. Dadyow badan oo aanu ka mid nahay ayaa afafkoodu ku soo kordheen eraybixinno cusub, afxir ama afdabool, safmar iyo kuwa la mid ah ayey warbaahintu aad u adeegsatay markii ugu horreysay.

Waa sannadkii kala xiranka, sannadkii af daboolka, kala fogaashaha iyo gacma dhaqashada, sannadkii tirada bukaanka iyo dhimashada badnaa, sannadkii shaqo la’aanta iyo welwelka. Hase yeeshee waa sannad ku astaameysan iska warqab, is taakuleyn iyo gargaar, sannadkii isku damqashada badnaa.

Waxbarashada ayaa ka mid ah meelaha uu aadka u saameeyey Koronuhu oo qalabka teknoolojiyada sida Zoom ayaa aad loo adeegsadaa sidoo kalena shaqaalaha ayaa la faray in ay guryahooda ka soo shaqeeyaan inta suurtagalka ah. dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba waxaad mooddaa in taa laga helay oo la filayo waxbarashada qaarkeed iyo shaqooyinka aan muhiimka ahayn in goobta shaqo la yimaado, adeegsiga teknoolojiyada ay sii socon doonaan.

Su’aasha soo noqnoqota oo dadku isweydiiyo ayaa ah “wax ma ka barannay wixii aannu soo aragnay?” Aadanaha ayaa sidiisaba si fudud ku ilaawa waxa soo mara farxad iyo murugaba, haddana ku celceliya in la doonayo isbeddel bulshadu ku dhaqaaqdo oo ay uga hortagto aafooyinka ay gacmahooda ku keensadaan, iyo deegaanka oo aysan ugu turin. Haddii aad ka mid tahay dadka doonaya isbeddelkaa horta naftaada ka bilow, markaa waayi meysid kuwa kaloo kula qaata go’aankaas. Sabanku ma xumaado dhibaato adduunna waa joogto, mana habboona in sabanka la shareysto.

Sannadka xiga ayaa loo sii saadaaliyey in uu ahaanayo sannadkii rajada, sannadkii soo kabsashada, sannad aad loo dhararayo oo aad mooddo in dadka loo sii sheegay in cudurkii safmarka ahaa uu dhammaanayo haddii la gaaro 2021. Eebbaa og siduu noqonayo, waxaana ka baryayaa in uu inooga dhigo mid barwaaqo, caafimaad iyo horumar leh. Aamiin.

  

Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon