Thursday, April 26, 2018

XERA GEEL




Bishii febraayo ee sannadkan 2018 ayaa koox aan ka mid ahaa waxaa lagu martiqaaday in ay ka qaybgalaan bandhig dhaqameed sannad walba lagu qabto magaalada Den Haag ee Netherlands. Bandhiggaas ayaa waxaa loogu yeeraa Freedom Book Fair, balse maaha oo keliya buugeeg waxa halkaa lagu soo bandhigo ee waxaa ku jira filim, warbixinno, dood cilmiyeedyo, sawirro, fan iyo suugaan iyo qaar kale. Waxay ii ahayd sannadkii labaad ee aan ka qayb galo, wuxuuna ka ballaarnaa kii ka horreeyey ee 2017. Markan dambe ayaa soomaali ahaan waxaa igu wehlinayey Boodhari Warsame oo qoraa iyo cilmibaare ah kana yimid Sweden, Maxamed Cartan oo ah aasaasaha iyo maamulaha hay’adda daabacda iibgeysana buugta ee Loohpress kana yimid UK, Farax Goobdoon oo ah gabyaa ku curisa suugaanteena inta badan afka ingriisiga oo iyadana ka timid ingiriiska. Waxaa kaloo ina wehlinayey koox deggen dalkaas Holland, Faaduma Carraale oo soo qabanqaabisa bandhiggaas ayaa waxay ugu yeertay kooxdeenaas Somali Troupes.
Den Haag waa magaalo qurux badan, waxay saldhig u tahay shirkado iyo hay’ado caalami ah, waxay martigelisaa maxkamadda caalamiga ah ee loo yaqaan ICJ. Waa magaalo dhaqdhaqaaq badan aad ku arkayso oo dadku is dhex yaacayo una kala ordayaan danahooda. Intaad joogto waxaa laga yaabaa in aadan shil baabuur oo kugu dhaca aadan ka baqin balse saacad walba waxaad ka baqaysaa in baaskiil kugu dhaco, waase magaalo loo habeeye meela gooni ah oo ay maraan baaskiillada sida dalka intiisa kale, dadka ku cusubse way isku qaldi karaan halka ay marayaa. Sida la ii sheegay dadka magaaladaas iyo guud ahaan dalka Holland oo idil dadka iyo baaskiillada waxaa badan baaskiillada. Waxaa laga yaabaa guri ay ku nool yihiin afar ruux in laga helo lix baaskiil.
Marka uusan bandhiggu socon ayaan kooxdeenu soo marnaa magaalada, waxaan la yaabnay tirada baaskiillada yaalla halka la dhigto (parking), meel walbood marto waxaa tuban tiro baaskiillo ah, meelaha qaarna sida goobaha tareenka laga raaco waxaad ku arkeysaa boqolaal iyo boqolaal weliba loo sameeyey dabaqyo la dhigto.
Waxaa la inoo sheegay in aad loo xado baaskiillada oo aad ku heleyso lacag aad u jaban haddii kaagii la xaday. Tirada, meelaha la dhigto qaarkood aad mooddo xero yar iyo sida loo kala qaado (ama loo kala xado) ayaa saaxiibkay Boodhari wuxuu magaalada siiyey magaca Xero geel, isagoo ula meel dhigay sida ay soomaalidu u manaafacaadsato geela, xeradiisa iyo sida loo kala qaado ama loo dhaco.
Dan Haag oo loo yaqaan magaca kale ee ah The Hague waa magaalada saddexaad ee ugu weyn dalkaas Netherlands waxay ka mid ahayd meelihii la keeni jiray dad afrikaan ah oo la daawan jiray xilliyo hore. Cilmibaare Boodhari Warsame oo ku raad joogay dadkaas kuwoodii soomaalida ahaa ee la keeni jiray carwadaas ayaa wuxuu soo helay in laba nin oo dhallinyaro Soomaali ahaa ay ku geeriyoodeen xeebta Den Haag qiyaastii 1929kii halkaana lagu aasay. Kaydka dhexe ee magaalada ayuu ka soo helay magacyadoodii iyo xaashidii cadeynta u ahayn dhimashadoodii.  


Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon - a.abtidon@gmail.com - @AMAbtidoon