Abwaannada
Soomaaliyeed qaarkood waxay maansadooda ku billaabaan ama dhextaal uga dhigaan,
qeybo ujeedooyin kala geddisan leh oo ay ka mid yihiin faan, gooddin iyo
hanjabaad ay kuwa kale ugu awood sheeganayaan, sidoo kale waxaa ka mid ah
culeyska miisaanka iyo hogatusaaleynta maansada uu soo wado abwaanku. Tusaale
kooban waxaan ugu soo qaadanayaa saddexda abwaan ee soo socota kala xilli iyo
kala nooc maanso ah balse ay halkan isaga mid yihiin hordhaca
suugaan-maanseedkooda ay ugu faanayaan kuwa kale ee ay ficiltan gabay dhex mari
karto.
Waa
Alla ha u naxariistee ninkii qeybta suugaanta soomaaliyeed ee saarka loo yaqaan
kobciyey oo caan ka dhigay dadka soomaaliyeedna aad u yaqaannaan, waa Careys
Ciise Kaarshe, abwaanka weyn ee suugaantiisa la wada jecelyahay Maxamed
Ibraahim Warsame Hadraawi iyo darwiishkii weynaa Sayid Maxmed Cabdulle Xasan
Alle ha u naxariistee. Waxana ay yiraahdeen oo maansadooda ay ku bilaabeen.
Careys
wuxuu inta badan saarkiisa ku bilaabaa xaraf ka mid ah xarfaha carabiga marna
uu uga soo degto meel ay kaga jirto looxa quraan. Halkan wuxuu ku soo
qaadanayaa xarafka ‘F’ wuxuu yiri:
Careys Ciise Kaarshe
Rag
baa fooxa u shitoo
Habeenoo
idil fekera
Aniga
oon faanahayn
Fahmadii
way igu fiddayoo
Markaan
faallada u kicitimo
Fallaar
meel lagu fakiyiyo
Caanaha
aan fuuqsadiyo
Hal
faataxa iiga fudud
Faqrina
waa iga fogyahay
Waxaa la sheegaa in Hadraawi
muddo uusan wax tiring, ragbaa is weydiiyey maxaa helay, markaasuu tiriyey mid
ka mid ah maansooyinkiisa kuwa ugu caansan markii dambe hees noqotay, waa
‘Hablaha geeska afrika’ oo uu ku bilaabay:
Maxamed I. W.
Hadraawi
Ma geyoon ma gamashiyin
Ma gommodin ma gaagixin
Ma gabloobin maan gudhin
Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraarradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunaanadin.
Murti nimaan gunteediyo
Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda-degi aqoonoo
Garab-daar lahayn baa
Gawl-gawla hadalkoo
Kolba dhinac garoocdee
Sida webi Ganaanoo
Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadii kusoo degey
Ku darsaday gufaaciyo
Guulama diriroo
Galli jabay habeenkii
Kolba gacan masoo rogay
Qudhaciyo galoolkii
Gunta xididka maw jaray
Dhulka wada galaal iyo
Gabbalaha ma kaga tegey
Afartaa geddaydii
Dhaha laygu garan jirey!
Waxaa la weriyaa in
Sayidku farriin ugu dhiibay beel meel fog deggeneyd ninkii la oran jiray Xasan
Gaaruf. Duca dheer uu kaga xijaabayey dhibaha uu socdaalkaa dheer kala kulmi
karo kadib ayuu ujeedkii uu u socday ka hormarinayaa meerisyadan faanka ah,
wuxuuna yiri:
Sayid Maxamed
Cabdulle Xasan
...
Afartaasi waa heega roob, hababacdiisiiye
Sidii hogol daruur hiifabaan, hibitiqaayaaye
Harawaatigii igama iman, hoorista ahaaye
Sidii hogol daruur hiifabaan, hibitiqaayaaye
Harawaatigii igama iman, hoorista ahaaye
Waxaan
sana hamuuraba adaan, kuu hawalayaaye
Haddaan kugu hanqadho mowjadaad, ku hafan doontaaye
Hillaacaa indhaha kaala tegi, halalacdiisiiye
Haddaan kugu hanqadho mowjadaad, ku hafan doontaaye
Hillaacaa indhaha kaala tegi, halalacdiisiiye
Hungurigiyo
hoygaa qalbigu, kaa hadfahayaane
Hawadaa
waxay kula ahaan, hirar madow weyne
Hinfidhka iga soo bixi naftaad, kala harbeysaaye
Hinfidhka iga soo bixi naftaad, kala harbeysaaye
Heli
meysid gabaygaan hayiyo, hooyo-waalaha e
Xuseen
baan haguug ugu dhintiyo, haq iyo looyaane
Isaguba higgaadaan u qoray, heli aqoon waaye
Isaguba higgaadaan u qoray, heli aqoon waaye
Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon