Tuesday, December 26, 2017

ARARTA MAANSADA



Abwaannada Soomaaliyeed qaarkood waxay maansadooda ku billaabaan ama dhextaal uga dhigaan, qeybo ujeedooyin kala geddisan leh oo ay ka mid yihiin faan, gooddin iyo hanjabaad ay kuwa kale ugu awood sheeganayaan, sidoo kale waxaa ka mid ah culeyska miisaanka iyo hogatusaaleynta maansada uu soo wado abwaanku. Tusaale kooban waxaan ugu soo qaadanayaa saddexda abwaan ee soo socota kala xilli iyo kala nooc maanso ah balse ay halkan isaga mid yihiin hordhaca suugaan-maanseedkooda ay ugu faanayaan kuwa kale ee ay ficiltan gabay dhex mari karto.
Waa Alla ha u naxariistee ninkii qeybta suugaanta soomaaliyeed ee saarka loo yaqaan kobciyey oo caan ka dhigay dadka soomaaliyeedna aad u yaqaannaan, waa Careys Ciise Kaarshe, abwaanka weyn ee suugaantiisa la wada jecelyahay Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo darwiishkii weynaa Sayid Maxmed Cabdulle Xasan Alle ha u naxariistee. Waxana ay yiraahdeen oo maansadooda ay ku bilaabeen.
Careys wuxuu inta badan saarkiisa ku bilaabaa xaraf ka mid ah xarfaha carabiga marna uu uga soo degto meel ay kaga jirto looxa quraan. Halkan wuxuu ku soo qaadanayaa xarafka ‘F’ wuxuu yiri:

Careys Ciise Kaarshe

Rag baa fooxa u shitoo
Habeenoo idil fekera
Aniga oon faanahayn
Fahmadii way igu fiddayoo
Markaan faallada u kicitimo
Fallaar meel lagu fakiyiyo
Caanaha aan fuuqsadiyo
Hal faataxa iiga fudud
Faqrina waa iga fogyahay

Waxaa la sheegaa in Hadraawi muddo uusan wax tiring, ragbaa is weydiiyey maxaa helay, markaasuu tiriyey mid ka mid ah maansooyinkiisa kuwa ugu caansan markii dambe hees noqotay, waa ‘Hablaha geeska afrika’ oo uu ku bilaabay:

Maxamed I. W. Hadraawi

Ma geyoon ma gamashiyin
Ma gommodin ma gaagixin
Ma gabloobin maan gudhin
Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraarradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunaanadin.
Murti nimaan gunteediyo
Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda-degi aqoonoo
Garab-daar lahayn baa
Gawl-gawla hadalkoo
Kolba dhinac garoocdee
Sida webi Ganaanoo
Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadii kusoo degey
Ku darsaday gufaaciyo
Guulama diriroo
Galli jabay habeenkii
Kolba gacan masoo rogay
Qudhaciyo galoolkii
Gunta xididka maw jaray
Dhulka wada galaal iyo
Gabbalaha ma kaga tegey
Afartaa geddaydii
Dhaha laygu garan jirey!


Waxaa la weriyaa in Sayidku farriin ugu dhiibay beel meel fog deggeneyd ninkii la oran jiray Xasan Gaaruf. Duca dheer uu kaga xijaabayey dhibaha uu socdaalkaa dheer kala kulmi karo kadib ayuu ujeedkii uu u socday ka hormarinayaa meerisyadan faanka ah, wuxuuna yiri:

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
...
Afartaasi waa heega roob, hababacdiisiiye 
Sidii hogol daruur hiifabaan, hibitiqaayaaye
Harawaatigii igama iman, hoorista ahaaye
Waxaan sana hamuuraba adaan, kuu hawalayaaye
Haddaan kugu hanqadho mowjadaad, ku hafan doontaaye
Hillaacaa indhaha kaala tegi, halalacdiisiiye
Hungurigiyo hoygaa qalbigu, kaa hadfahayaane
Hawadaa waxay kula ahaan, hirar madow weyne
Hinfidhka iga soo bixi naftaad, kala harbeysaaye
Heli meysid gabaygaan hayiyo, hooyo-waalaha e
Xuseen baan haguug ugu dhintiyo, haq iyo looyaane
Isaguba higgaadaan u qoray, heli aqoon waaye



Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon

No comments:

Post a Comment