Bishii febraayo ee sannadkan
2018 ayaa koox aan ka mid ahaa waxaa lagu martiqaaday in ay ka qaybgalaan
bandhig dhaqameed sannad walba lagu qabto magaalada Den Haag ee Netherlands.
Bandhiggaas ayaa waxaa loogu yeeraa Freedom Book Fair, balse maaha oo keliya
buugeeg waxa halkaa lagu soo bandhigo ee waxaa ku jira filim, warbixinno, dood
cilmiyeedyo, sawirro, fan iyo suugaan iyo qaar kale. Waxay ii ahayd sannadkii
labaad ee aan ka qayb galo, wuxuuna ka ballaarnaa kii ka horreeyey ee 2017.
Markan dambe ayaa soomaali ahaan waxaa igu wehlinayey Boodhari Warsame oo qoraa
iyo cilmibaare ah kana yimid Sweden, Maxamed Cartan oo ah aasaasaha iyo
maamulaha hay’adda daabacda iibgeysana buugta ee Loohpress kana yimid UK, Farax
Goobdoon oo ah gabyaa ku curisa suugaanteena inta badan afka ingriisiga oo
iyadana ka timid ingiriiska. Waxaa kaloo ina wehlinayey koox deggen dalkaas
Holland, Faaduma Carraale oo soo qabanqaabisa bandhiggaas ayaa waxay ugu
yeertay kooxdeenaas Somali Troupes.
Den Haag waa magaalo qurux
badan, waxay saldhig u tahay shirkado iyo hay’ado caalami ah, waxay martigelisaa
maxkamadda caalamiga ah ee loo yaqaan ICJ. Waa magaalo dhaqdhaqaaq badan aad ku
arkayso oo dadku is dhex yaacayo una kala ordayaan danahooda. Intaad joogto
waxaa laga yaabaa in aadan shil baabuur oo kugu dhaca aadan ka baqin balse
saacad walba waxaad ka baqaysaa in baaskiil kugu dhaco, waase magaalo loo habeeye meela gooni ah oo ay maraan baaskiillada sida
dalka intiisa kale, dadka ku cusubse way isku qaldi karaan halka ay marayaa. Sida la ii sheegay
dadka magaaladaas iyo guud ahaan dalka Holland oo idil dadka iyo baaskiillada waxaa
badan baaskiillada. Waxaa laga yaabaa guri ay ku nool yihiin afar ruux in laga
helo lix baaskiil.
Marka uusan bandhiggu socon ayaan
kooxdeenu soo marnaa magaalada, waxaan la yaabnay tirada baaskiillada yaalla
halka la dhigto (parking), meel walbood marto waxaa tuban tiro baaskiillo ah,
meelaha qaarna sida goobaha tareenka laga raaco waxaad ku arkeysaa boqolaal iyo
boqolaal weliba loo sameeyey dabaqyo la dhigto.
Waxaa la inoo sheegay in aad
loo xado baaskiillada oo aad ku heleyso lacag aad u jaban haddii kaagii la
xaday. Tirada, meelaha la dhigto qaarkood aad mooddo xero yar iyo sida loo kala
qaado (ama loo kala xado) ayaa saaxiibkay Boodhari wuxuu magaalada siiyey
magaca Xero geel, isagoo ula meel
dhigay sida ay soomaalidu u manaafacaadsato geela, xeradiisa iyo sida loo kala
qaado ama loo dhaco.
Dan Haag oo loo yaqaan magaca
kale ee ah The Hague waa magaalada saddexaad ee ugu weyn dalkaas Netherlands
waxay ka mid ahayd meelihii la keeni jiray dad afrikaan ah oo la daawan jiray
xilliyo hore. Cilmibaare Boodhari Warsame oo ku raad joogay dadkaas kuwoodii
soomaalida ahaa ee la keeni jiray carwadaas ayaa wuxuu soo helay in laba nin oo
dhallinyaro Soomaali ahaa ay ku geeriyoodeen xeebta Den Haag qiyaastii 1929kii halkaana
lagu aasay. Kaydka dhexe ee magaalada ayuu ka soo helay magacyadoodii iyo
xaashidii cadeynta u ahayn dhimashadoodii.
Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon - a.abtidon@gmail.com - @AMAbtidoon
No comments:
Post a Comment